Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid 'Waxaan soo dirnay cadowyadiinna' 1 si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.