Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna saaxiibbo 1, idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).