Sign in
Sign in
Sign in
Select Language
026

Ash-Shu'ara 26:21 ففررت منكم لما خفتكم فوهب لي ربي حكما وجعلني من المرسلين ٢١

26:21
فَفَرَرۡتُ
مِنكُمۡ
لَمَّا
خِفۡتُكُمۡ
فَوَهَبَ
لِي
رَبِّي
حُكۡمٗا
وَجَعَلَنِي
مِنَ
ٱلۡمُرۡسَلِينَ
٢١
Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
Continue Reading

Read Tafsir

Ibn Kathir (Abridged)

Between Musa and Fir`awn

Allah tells us what He commanded His servant, son of `Imran and Messenger Musa, peace be upon him, who spoke with Him, to do, when He called him from the right side of the mountain, and conversed with him, and chose him, sent him, and commanded him to go to Fir`awn and his pe

…

Between Musa and Fir`awn

Allah tells us what He commanded His servant, son of `Imran and Messenger Musa, peace be upon him, who spoke with Him, to do,

…
More Tafsirs

Read in Context

Chapter 26, Page 368, Juz 19

10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah. 11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)? 12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan, 13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo). 14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan. 15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna. 16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka". 17. Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil. 18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga? 19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe. 20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn. 21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha. 22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil? 23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka? 24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan. 25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn? 26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore. 27. (Fircoon) wuxuu yidhi : Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole. 28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan. 29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan. 30. (Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad? 31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi. 32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda. 33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.

- Abdullah Hassan Yacoub

Notes and Reflections

You do not have any notes or reflections on this verse.

Notes placeholders

Stay Connected to the Quran ❤️

Short meaningful reminders to reset, reflect and stay connected to the Quran.

Read, Listen, Search, and Reflect on the Quran

Quran.com is a trusted platform used by millions worldwide to read, search, listen to, and reflect on the Quran in multiple languages. It provides translations, tafsir, recitations, word-by-word translation, and tools for deeper study, making the Quran accessible to everyone.

As a Sadaqah Jariyah, Quran.com is dedicated to helping people connect deeply with the Quran. Supported by Quran.Foundation, a 501(c)(3) non-profit organization, Quran.com continues to grow as a free and valuable resource for all, Alhamdulillah.

Navigate
Home
Quran Radio
Reciters
About Us
Developers
Product Updates
Feedback
Help
Donate
Our Projects
Quran.com
Quran For Android
Quran iOS
QuranReflect.com
Quran.AI
Sunnah.com
Nuqayah.com
Legacy.Quran.com
Corpus.Quran.com
Non-profit projects owned, managed, or sponsored by Quran.Foundation
Popular Links
Duas from the Quran
Quran Verse of the Day
Ayatul Kursi
Yaseen
Al Mulk
Ar-Rahman
Al Waqi'ah
Al Kahf
Al Muzzammil
SitemapPrivacyTerms and Conditions
© 2026 Quran.com. All Rights Reserved
Contribute