Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan 1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.